Connect with us

Hi, what are you looking for?

Uncategorized

MAXAA BAAJIYEY WEERARKII MUQDISHA EE FARMAAJO

Qore Xasan Cadde

Waxaa muuqata sii kala fogaanshiyaha siyaasiyiintii mudaba halka doon wadasaarnaa, oo kala ah madaxwayne Farmaajo, RW Rooble iyo sadexda maamul goboleed ee Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed.

Sida ay ii sheegeen ilo xog ogaal ah, warsaxaafadeedyadii ka soo kala baxay xaafiisyada Galmudug, Hirshabelle iyo Ra’iisalwasaaraha ayaa waxaa ay baajiyeen go’aan ay qaateen madaxwayne Farmaajo iyo lataliyayaashiisa, kaasi oo ahaa in weerar lagu soo afjarayo xiisadda Muqdisho ay dawladdu ku qaado kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda muddo kororsiga.

Shirkii caawa u socday RW Rooble, Labada maamul goboleed ee Galmudug iyo Hirshabelle iyo midawga musharixiinta ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo kala ah arrinta amniga Muqdisho iyo sidii loo aadi lahaa doorasho loo dhan yahay.

RW Rooble oo taageero ka helaya beesha Caalamka, maamul goboleedyada iyo midawga musharixiinta ayaa la filayaa in uu ku baaqo shir ay isugu yimaadaan maamul goboleedyada iyo qaybaha bulshada, kaas oo la filayo in uu ka dhaco muqdisho.

Beesha Caalmka oo la sheegay in ay la hadashay Gudoomiyaha Baarlamaanka mursal ayaa kula talisay in aanu qaadin talaabo ka hor imaanayso doorashada 17 September.


WQ. Xasan Cadde.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You May Also Like

2nd Somali Republic

WDM EDITORIAL There is little trust in public institutions, including all branches of the government, civil service and security forces. There is demonstration of...

2nd Somali Republic

April 6, 2019 Talking Truth to Power PUNTLAND DEMOCRATIZATION PROCESS: OPPORTUNITIES AND CHALLENGES Historical Background The formation of Puntland State of Somalia in August...

2nd Somali Republic

January 9, 2023, Farmaajo wanted to destroy Federalism by puting puppet regional governors in FMS and conduct sham direct elections to install himself into...

2nd Somali Republic

Garowe, May 14, 2023 By ISMAIL HAJI WARSAME When political opponents say that Puntland State is the mother of federalism, people of Puntland think...